Deeq A. Posted February 17, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo iska soo horjeeda oo ka socda gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galgaduud. Kulamada ayaa waxaa kala hoggaaminaya madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka soo horjeedo maamulka Qoor Qoor. Madaxweynaha Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay xarunta madaxtooyada kula kulmay qeybaha bulshada, isagoo ka dalbaday inay la shaqeeyaan maamulkiisa. Sidoo kale Shaakir ayaa isna ururada kala duwan ee bulshada rayidka ah ku qaabilay xafiiskiisa, wuxuuna kala hadlay ammaanka iyo inay taageeraan Ahlu Sunna. Xaaladda Galmudug ayaa weli ku jirta is jiid jiid ku jirta, iyadoona uu khilaaf hor leh ka dhashay doorashadii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. View the full article Share this post Link to post Share on other sites