Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo iska soo horjeeda oo ka socda Galmuudg

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo iska soo horjeeda oo ka socda gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galgaduud.

Kulamada ayaa waxaa kala hoggaaminaya madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka soo horjeedo maamulka Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay xarunta madaxtooyada kula kulmay qeybaha bulshada, isagoo ka dalbaday inay la shaqeeyaan maamulkiisa.

Sidoo kale Shaakir ayaa isna ururada kala duwan ee bulshada rayidka ah ku qaabilay xafiiskiisa, wuxuuna kala hadlay ammaanka iyo inay taageeraan Ahlu Sunna.

Xaaladda Galmudug ayaa weli ku jirta is jiid jiid ku jirta, iyadoona uu khilaaf hor leh ka dhashay doorashadii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this