Sign in to follow this  
Deeq A.

Nosoj oo cambaareysay dilkii wariye C/weli Online

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururuka suxufiyiinta qaranka ee NUSOJ ayaa si xoogan u cambaareeyey dilkii Allaha u naxariistee wariye Cabdiwali Cali Xuseen Online oo shalay galinkii dambe kooxo hubeysan ay ku dileen gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xoghayaha ururka suxufiyiinta qaranka, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa geerida wariye Online uga tacsiyadeeyay Ummadda Soomaaliyeed, eheladiisa iyo bahda saxaafadda.

Cumar Faaruuq ayaa sidoo kale tilmaamay inay dalbanayaan baaritaan sax ah oo ka dhan ah dilka wariye Cabdiwali Online, isagoo dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dalbaday in cadaalada la hor keeno kooxaha dilka geystay.

Allaha u naxariistee dilka wariye Online ayaa yimid, mar uu ka soo laabtay waajibaadkiisa shaqo, wuxuuna xilliga la tooganayey ku sii jiiday hoygiisa.

Marxuumka ayaa ifka uga tegay labo caruur ah iyo xaas, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Waa wariyihii ugu horreeyey ee sanadkaan 2020-ka lagu dilo gudaha Soomaaliya oo la sheego inay ka mid tahay dalalka lagu dhibaateeyo suxufiyiinta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this