Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadani: Shacabka Somaliland waxay baafinayan madaxweyne Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Mucaaradka Somalilandee Waddani ayaa sheegay in dadka reer Hargeysa ay baafinayaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Afhayeenka Xisbigaas Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ka dhuumanayo shacabka Somaliland isla markaasna laga rabo inuu caddeeyo tuhunka ka jiro safarka Madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa.

Si guud labadii sano ee uu xilka hayey madaxweyne Biixi muuqaal kastoo saxaafadu ka duubto iyo muuqaalkastoo ka hadlo wuxuu ku maagayey Farmaajo, labadii habeen ee u dambeysayna waxay bulshadda Somaliland baafineysaa madaxweynahooda,” ayuu yiri Barkhad Jaamac.

Mudane Batuun, ayaa sidoo kale madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ku kacay falal liddi’ ku ah jiritaanka iyo madax-bannaanida Somaliland, isagoo ugu baaqay deg deg ah cafis furan u waydiisto Shacabka Somaliland.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, xilli madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ay ku kulmeen magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, islamarkaana ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo tegi doono magaalada Hargeysa, inkastoo Somaliland wararkaas beenisay.

PUNTLAND POST

The post Wadani: Shacabka Somaliland waxay baafinayan madaxweyne Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this