Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Xulafadiisa uga digay La-tacaamulka Shirkadda Huawei

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka dowladda Mareykanka ee dalka Jarmalka, ayaa Axaddii shalay laga soo xigtay in madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu joojin doono sirdoonka uu la wadaago dalalka la tacaamula shirkadda Shiinayska ee Huawei.

Wakaaladda Wararka AFP, ayaa ku soo warrantay in Xukuumadda Washington, ay is-bahaysigeeda ku cadaadinayso, in ay mamnuucaan adeegsiga barnaamijka 5G ee Shirkadda Huawei, sababo la xiriira halis amni. Shirkadda Huawei ayaa ah mid ka mid ah shirkadaha teknoolajiyadda ee ugu weyn caalamka,

Dalal badan oo Europe ah islamarkaana xulufo la ah Mareykanka, sida Britain iyo France, ayaa sheegay in aysan ka mamnuuci dooni Huawei in ay u dhisto shabakadaha 5G, balse ay kusoo rogi doonaan xannibaado kale.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo, ayaa isna Shirka Amniga Munich u sheegay Sabtidii in Huawei ay tahay fayraska dheereeya ee sirdoonka Shiinaha.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo Xulafadiisa uga digay La-tacaamulka Shirkadda Huawei appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this