Deeq A. Posted February 17, 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaloya loogu geystay qeybo ka mid ah M/Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howlwadaag, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in toogashada ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga xilliga la diliyey uu saarnaa mooto mareysay halkaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay gaareen goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey Baar-Ubax. Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites