Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump Oo U Hanjabay Dalalka La Macaamila Shirkadda Huawei

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berlin)-Safiirka Mareykanka ee Germany ayaa Axaddii sheegay in madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu joojin doono sirdoonka uu la wadaago dalalka la macaamila shirkadda Shiineeska ee Huawei.

trump.jpg

Washington ayaa dalalka xulufada ah la ah ku cadaadineysa inay mamnuucaan adeegsiga barnaamijka 5G ee Huawei, oo ah mid ka mid ah shirkadaha teknoolajiyadda ee ugu weyn caalamka, sababo la xidhiidha halis amni.

Safiir Richard Grenell ayaa yidhi “Trump wuxuu igu amray inaan caddeeyo in dalkii doortaa inuu isticmaalo adeegga aan la aamini karin ee 5G ee Huawei, uu halis gelinayo awoodda aan kula wadaagi karno akhbaaraadka sirdoon ee heerka sare.”

Grenell ayaa barta twitter-ka ku sheegay in Trump uu Axaddii kasoo wacay diyaaradda Air Force One ee madaxweynaha, si usoo gaadhsiiyo farriintan.

Dalal badan oo Europe ah islamarkaana xulufo la ah Mareykanka, sida Britain iyo France, ayaa sheegay in ayna ka mamnuuci dooni Huawei inay u dhisto shabakadaha 5G balse ay kusoo rogi doonaan xannibaado.

Jawaabta Mareykanka ee shaacsan waxay ahayd mid xaddidan, hase yeeshee Trump ayaa lagu warramay inuu aad ugu cadheysan yahay London.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Shirka Amniga Munich u sheegay Sabtidii in Huawei ay tahay “faraska dheereeya ee sirdoonka Shiinaha.”

Shirkadda Huawei waxay si kulul u beenisaa eedeymaha Mareykanka, islamarkaana Beijing ayaa sida loola dhaqmayo ku macneysay “awood sheegasho dhaqaale.”

AFP

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this