Sign in to follow this  
Deeq A.

Eedaymo Cusub Oo Lagu Soo Oogay Cumar Xasan Al-bashiir

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar xasan Albashiir oo hadda ku xidhan xabsi ku yaalla dalkaasi ayaa lagu soo oogay eedaymo cusub oo ah Musuqmaasuq, Maalgalin ururo argagixiso iyo eedaymo kale.

29-ALBASHIR.jpg

Xeer Ilaaliyaha ee Suudaan ayaa sheegay inay suurtagal tahay in madaxweynihii hore inuu qayb ahaan masuul ka ahaa maalgalinta ururka akhwaanul muslimiin iyo ururo kale oo argagixiso oo caalami ah,

Albashiiri waxaa kaloo lagu soo eedeeyay inay haystay lacago sharci darro ah iyo inuu ka iibiyay maalgaliyayaal ajnebi ah saamiyo shirkadaha telefoonada ee Mobitel iyo MTN ee Suudaan

Toddobaadkii hore, xukuumadda kumeel gaadh aha ee Suudaan ayaa go’aansatay in madaxweynihii hore lagu wareejiyo Maxkamada dambiyada ee aduunka ee ICC. Albashiir ayaa loo haysto eedaymo la xidhiidh inuu dambiyo dagaal ka gaystay gobolka Daarfuur ee Suudaan.

Cumar Xasan Albashiir oo muddo 30 sanno xukumayay dalka Suudaan ayaa xukunka laga tuuray bishii April ee sanadkii hore kadib markii ay dalkaasi ka dhaceen banaanbaxyo dhiig badani ku daatay oo looga soo horjoogay xukunkiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this