Deeq A. Posted February 17, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo xalay lagu qaaday ciidamo ku sugnaa isgoyska Afarta Darjiin ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa si gaar ah loola beegsaday barkoontarool oo ay ciidamadu ku baarayeen gaadiidka isaga kala gooshada wadadaasi. Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan, iyadoo raggii fuliyey ay goobta isaga baxsadeen. Sidoo kale ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa howlgallo kooban ka sameeyey halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, kuwaas oo u badnaa dilal qorsheysan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites