Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka degmada Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Shabelle u sheegay inay maqlayeen daryanka hub culus oo ay is weydaar sanayeen labada dhinac.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalkaas ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, balse xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidanka huwanta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this