Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA oo xirtay nin ka digay weerar ay ‘maleegeyso’ kooxda Al- Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska wadanka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay, kadibna xabsiga u taxaabay nin Facebook-giisa uga digay weerar uu sheegay inay dagaalyahannada Al-Shabaab la beegsan karaan xarun waxbarasho oo ku taalla deegaanka Bomed ee ismaamulka Nakuru.

Ninkaan oo Boolisku ay sheegeen inuu lahaa laba magac ayaa waxaa haatan ku socda baaritaano dheeraad ah oo ay ku hayaan hay’adaha amniga.

Qoraal ka soo baxay laanta dambi baarista ee deegaanka Bomed ayaa sidoo kale lagu sheegay in ninkaan uu Facebook-giisa ku caddeeyay inuu yahay Soomaali.

Warkaan ayaa waxa kale oo lagu sheegay in magaca ninkaasi uu yahay Timothy Koech, balse uu Facebook-ga uu ku isticmaalayey, Joseph Langat.

“Hay’adaha sirdoonka iyo kuwa baarista waxa ay gacanta ku dhigeen nin Facebook ku isticmaala Joeph Langat oo soo daabacay digniin ah suurta galnimada weerar Al-Shabaab ay ku qarxiyaan goob waxbarasho oo ku taalla Bomed” ayaa lagu yiri warkan.

Eedeysanaha ayaa la sheegay qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ee loo soo xiray uu ku sheegay in xoogag aad u hubeysan ay ku sugan yihiin magaalada Rongai, islamarkaana ay geysan doonaan weerarkii ugu xumaa, sida uu digniintiisa ku sheegay.

Sidoo kale hadda dambi baarista ee deegaanka Bomed ayaa soo bandhigay qoraalka ninkaasi uu shaaciyey oo u dhignaa “Magaceyga dhabta ah waa Maxamed, kana yimid Soomaaliya….. Kenyanka si fudud ayey wax u hilmaamaan”.

Xarigga ninkaan oo la tuhmayo inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe ay kordheen weerarada ay kooxdaan ka fuliso dalka Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this