Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan oo toogasho ka geystay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil goor dhow kooxo hubeysan ay ka geysteen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda oo ku sugnaa isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howlwadaag.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysnaa bistoolado ay marxuumka rasaas ku fureen, taas oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

Sidoo kale dad goobjoogagaayl ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dableyda dilka geysatay ay goobta ka baxsatay falka kadib.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale gaaray meesha uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda wax hadal dowladda Soomaaliya kama soo saarin toogashada loo geystay marxuumkaasi.

Dilka askarigaan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad galyada oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey gudaha caasimada.

Xalay ayey aheyd markiii kooxo hubeysnaa ay bam gacmeed ku weerareen ciidamo ku sugnaa isgoyska Afarta Darjiin ee magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this