Deeq A. Posted February 17, 2020 Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Bakool saacadihii la soo dhaafay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab ku soo bandhigay degmada Xudur ee caasimada gobolkaasi. Sarkaalkan oo 11 sano ka tirsanaa kooxdaas, islamarkaana ka soo jeeda degmada Xudur ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Colaad Cabdriaxmaan Xerow. Guddoomniye ku xigeenka dhanka amniga ee magaaladaasi, Ibraahim Isaaq Ibarahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ninkaan uu xiriir la soo sameeyey ciidamada, kadibna uu isku soo dhiibay, sidaasina ay ku soo dhoweeyeen ciidamada dowladda. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo sarkaalka isa soo dhiibay oo deegaanka u dhashay. Dhankiisa Colaad Cabdriaxmaan Xerow oo la hadlay wariyeyaasha ayaa tilmaamay inuu Al-Shabaab ugu shaqeyn jiray darawalnimo, haatana uu isaga soo baxay fikirkooda. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dagalaayahannada Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan arrinta sarkaalkaasi. Na’ahan sarkaalkii ugu horreeyey ee isku dhiiba ciidanka dowladda ee ka howlgala gobollada Baay iyo Bakool, tan iyo markii la kordhiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Share this post Link to post Share on other sites