Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo looga digay in ay mudda kororsi samayso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa ka hadlay Marxalada Kala guurka ah ee Soomaaliya iyo doorashada 2021-ka.

Mr Geelle oo haatan ah musharrax u taagan doorashada 2021-ka ayaa si adag ugu nuux-nuuxsaday in aan marnaba madaxda sare ee dowladda Federaalka la aqbli doonin in ay mudda kororsi sameeyaan.

Musharrax ayaa tilmaamay in ay hadda dareemayaan hal sano iyo wax ku siman in ay Villa Somalia damacsan tahay mudda kororsi iyo in ay  Xilligeeda Xukunka ay wax ku darsato.

Lagama sugayo Dawladeenu inay Muddo xilleedkeeda wax ka badan sii joogto,hore uma dhicin iyaguna lagama rabo inay sameeyaan Mas’uuliyiinta Xilka heysa” ayuu yiri Daahir Geelle.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo looga digay in ay mudda kororsi samayso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this