Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlusunna oo dalbatay in la dhiso gole cusub oo dalka xasilooni gaarsiiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug garabka Ahlu-Sunna Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa war ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Sheikh Maxamad Shaakir Cali Xassan, ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda siyaasadeed wakhti xaadirkan  ka taagan degaanada Galmudug.

Shiikh Shaakir ayaa dowladda Federaalka soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo Beesha caalamka waxaa uu ugu yeeray in la dhiso gole loo dhanyahay oo u xil-saaran Federaalnimada, dimoqoraadiyada & doorashooyinka gobolada inta uu dalka helaayo xasilooni siyaasadeed oo degan.

Qoraalka Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale waxaa looga digay in Ciidamada ay tababareen Wadamada Mareykanka iyo Turkiga loo adeegsado caburinta Shacabka iyo dano siyaasadeed

Waxaan bulsho waynta Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Galmudug iyo beesha caalmaka u cadaynayaa in dowladda federaalka ay ku guul-daraysatay in loo dhiso Galmudug maamul loo dhan yahay, taas bedelkeeda waxa ay dhisatey maamul ay wadato kaas oo dowladda dhexe ku doonayso in ay xildhibaano taageersan ku hesho doorashada 2021 si madaxda hadda jirta ay u soo noqdaan” ayuu yiri Sheikh Maxamed Shaakir.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhan

aa-4.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ahlusunna oo dalbatay in la dhiso gole cusub oo dalka xasilooni gaarsiiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this