Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefdi ka socda dowladda Puntland oo booqday Beeraha Laag

Recommended Posts

Deeq A.   
Laag.jpg?w=1000&ssl=1

Wefdi ka tirsan dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Degaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gamadiid oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda Sucaad Saalax Nuur iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer shaqo ku tegay Degaanka Beeraha iyo dalxiiska caanka ku ah ee Laag oo ka tirsan degmada Boosaaso.

Waftigaas oo la socdeen saraakiil ka tirsan xafiiska latalinta madaxweynaha Puntland iyo iskaashatada Beeralayda ayaa waxay u kuurgaleen xaalada Beeralayda degaanka Laag oo kamid ah degaanada lagu yaqaaano waxsoosaarka iyo tabaca beeraha waxaana ay la kulmeen bulshada magaalada Laag kuwaas oo uga waramay xaaladda beeraha Laag.

Beeralayda Laag oo aad u beerta Timirta iyo geed miroodyo kale ayaa wasiirka iyo waftigiisa uga waramay xaalada beeraha iyo caqabadaha haysta iyagoo soo dhaweeyayn u sameeyay waftigaas booqday.

PUNTLAND POST

The post Wefdi ka socda dowladda Puntland oo booqday Beeraha Laag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this