Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo 9 qodob kasoo saartay xiisadda Gedo iyo jabhad ay sheegtay in laga abuuray

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray shir maanta ay iskugu yimaadeen xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland, kaasi oo sida la sheegay ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Kulankaas waxaa shir guddoominayey madaxweyne ku-xigeenka kowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, waxaana la sheegay in diiradda lagu saaray xaaladda cakiran ee ka jirta gobolka Gedo, gaar ahaan magaalooyinka Beled-Xaawo, Dolow iyo Luuq oo lagu xusay war-saxaafadeedka.

Xubnihii iskugu yimid kulankaas waxay sheegeen in dowladda federaalku ay gobolka Gedo ka abuurtay xaalado ba’an, taasi oo sida ay sheegeen sababtay dhiig daatay, barakac, burbur hantiyeed, duminta hey’adihii dowliga ahaa ee Jubbaland, kuwaas oo ka dhisnaa gobolka Gedo.

“Waxaan aad uga xunnahay in Xukuumqdda Federaalka Soomaaliya ay degmooyinkan ka abaabushay jabhad la dagaalanta nidaamka iyo kala dambeynta dawladnimada dalka taas oo ay u isticmalayaan hantida ummadda Soomaaliyeed iyo heybadda qaranimo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya horantii bishii Febraayo 2020 waxay dagmooyinka Doolow, Luuq iyo Baladxaawo ku soo daabuleysay ciidamo laga soo qaaday magaalooyinka Muqdisho, Baardhere iyo Garbaharey kuwaas oo u abaabulan hab jabhadeed toosna u hoos taga shakhsi xubin ka ah hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka kaas oo ku adeeganaya awoodda madaxweyne Maxamad Cabdulaahi Farmaajo.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu difaacay dowladda Kenya, oo Jubaland ay beenisay inay faro-gelin ku hayso Gedo.

“Waxaan caddayneynaa in degmooyinkan wax farogelin ah aysan ku haynin dawladda aan dariska nahay ee Kenya oo aan ka ahayn daris wanaag iyo macaamil ka dhaxeeya dadka walaalaha ah ee dagan labada dhina,” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale Jubbaland waxay labada gole ee baarlamaanka dalka, hey’adaha garsoorka, beesha caalamka iyo madasha xisbiyada qaranba ka dalbatay in lasoo fara geliyo xaaladda ka taagan gobolka Gedo, oo sida ay sheegeen isku bedeli karta mid uu ka dhasho cawaaqib xun.

“Dowlad goboleedka Jubbaland waxay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah xukuumadda federaalka, madasha xisbiyada qaran, beesha caalamka, hey’adaha garsoorka dalka, intaba waxaan ugu baaqeysaa in ay soo fara geliyaan, xaaladaan murugsan oo hadii aan xal degdeg ah loo helin keeni karta dhibaato bini’aadanimo oo sal balaaran iyo dagaal sokeeye cidda kaliya ee ka faa’iideysana ay tahay argagixisada Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka caawa kasoo baxay Jubbaland.

Ugu dambeyntii war-saxaafadeedka Jubbaland ayaa lagu yiri, “Waxaan u mahad celinaynaa Madasha Xisbiyada Qaran, beesha Caalamka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dareenkooda ka muujiyey falalka guracan ee xukuumadda federaalku ay ka wado Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo”.

Hoos ka aqriso sagaalka qodob ee ku xusan war-saxaafadeedka Jubbaland   

86234887_1794582700675661_84530880820218 86320993_1794582890675642_72897757931005

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this