Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya iyo IGAD oo shir muhiim ah yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho kuyeeshay kulan wada-tashi ku saabsan hannaanka Ilaalinta nabad galyada iyo wada shaqeynta heer Gobol ee dowladaha kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Kulankan wada tashiga ah oo ay guddoomiyeen U qeybsanaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Isbahaysiga Badda Cas iyo Gacanka Cadan Mudane Balal Maxamed Cismaan, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Amb. Cali Siciid Fiqi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Mohamed Ali Guyo ayaa daba-socda qodobbadii ka soo baxay shirkii 46-aad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka IGAD ay ku yeesheen magaalada Jabuuti 27-kii bishii Febaraayo ee sanadkii 2019-kii.

U qeybsanaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Isbahaysiga Badda Cas iyo Gacanka Cadan Mudane Balal Maxamed Cismaan ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqoneyso dalkii 4aad ee dalalka IGAD ee lagu qabanayo wadatashigan, iyadoo khubarada Soomaaliyeed ay so bandhigayaan qiimeyntooda ku saabsan mustaqbalka dhow iyo kan fog ee arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, fursadaha ku jira iyo caqabadaha ku xeeran.

Mudane Balal ayaa tilmaamay in dadaallada iyo wada tashiyada heer IGAD ay xoojinayaan Isbahaysiga Riyad ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Sucuudiga, Urdun, Masar, Jabuuti, Ereteria, Yamen iyo Suudaan, maadaama afar ka mid ah dalalka Isbahaysigan ay ka tirsan yihiin Ururka IGAD.

Dhankiisa, Maxamed Cali Guyo oo ah Ergeyga gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalin weyn ku leedahay qorshe kasta oo heer Gobol ah oo ku saabsan amniga iyo xasilloonida marin badeedyada, maadaama ay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer Gobolka.

Soomaaliya ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa Isbadellada siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee heer gobol iyo heer Qaaradeed, taasoo muujineysa dib u soo kabashada dowladnimada dalkeenna.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people standing, screen and indoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this