Deeq A. Posted February 16, 2020 Guddoomiyaha Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in DF ay qorsheyneyso inay ciidamo geyso degmada Gaalkacyo ee gobolkaasi. Mr Axmed ayaa sheegay in Puntland iyo dadkeeda ay isku tashi ku sugteen ammaanka, islamarkaana ay ka hortagi doonaan waxkasta oo caqabad ku ah jiritaankooda. Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu intaasi ku daray inay ka maamul ahaa ka digayaan in ciidamo ka socda dowladda federaalka la geeyo gudaha magaaladaasi. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan khilaaf uu Puntland kala dhexeeyo dowladda dhexe, kaas oo saameeyey xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/War-Cali-Gaab-Putland.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites