Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo la socday Cabdi Bile ku socdaalayey inta u dhexeysa isgoysyada Xoosh iyo Ex-control.

Inta la xaqiiijiyey waxaa qaraxaas oo ay sheegatay Al-Shabaab ku geeriyooday 3 askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen 2 kale oo ka mid ahaa ciidankii saarnaa gaarigaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Dharkenley oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa qaraxyo nooca miinada ka fuliya Muqdisho, iyaga oo la eegta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM intaba.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this