Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul ka tirsanaa G/Banaadir oo lagu riday xukun xabsi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka xukun xabsi ah ku riday mas’uul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir oo lagu helay in uu horay uga tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa shan sano oo xabsi ah ku ridday ku-simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) oo lagu helay in uu ka tirsanaa Al-Shababa, isla markaana uusan soo marin habka is diiwaan gelinta Dadka ka haray fikirka Al-Shabaab.

Mas’uulkan xukunka lagu riday ayaa laga soo dhex xiray xarunta gobolka Banaadir, waxaana xariggiisa yimid kadib qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng; Cabdiraxmaan Yariisow.

Laamaha amaanka dowladda Soomaaliya ayay maxkamadda fartay in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo maxkamadda ciidamada sii deysay kadib markii dambe lagu waayay, kaas oo walaalo ahaayeen Basiira oo lagu eedeeyay in qaraxii xarunta ka dhacay ay iyadu ka dambeeysay.

Weerarkii xarunta dowladda hoose ee Xamar oo lagu waayey mas’uuliyiin dhowr ah ayaa dhacay  24-kii bishii July ee sanadkii hore, iyadoona kadib dowladdu ay bilowday baaritaano dheeraad ah oo lagu soo qabtay agaasimaha la xukumay ee Mahad Alle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this