Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo Xukun Xabsi ah ku Ridday Mas’uul ka Tirsanaa Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun xabsi ah ku ridday mas’uul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir oo lagu helay in uu horey uga tirsanaa Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa shan sano oo xabsi ah ku ridday ku-simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) oo lagu helay in uu ka tirsanaa Al-Shababa, isla markaana uusan soo marin habka is diiwaan gelinta Dadka ka haray fikirka Al-shabaab.

Mas’uulkan xukunka lagu riday ayaa laga soo dhex xiray xarunta gobolka Banaadir , waxaana xariggiisa yimid kadib qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng; Cabdiraxmaan Yariisow.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayay maxkamadda fartay in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo maxkamadda ciidamada sii deysay kadib markii dambe lagu waayay.

Dhinaca kale Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa dambi ku weysay Cabdulaahi Cabdi raxmaan Maxamed oo walaalo ahaayeen Basiira oo Agaasimo ka ahayd Gobolka Banaadir oo lagu eedeeyay in qaraxii xarunta ka dhacay ay iyadu ka dambeeysay, iyadoo laamaha ammaanka dowlada Soomaaliya ay maxkamadda fartay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo maxkamadda ciidamada sii deysay kadib markii dambi lagu waayay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this