Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ku hanjabtay tallaabo Militari oo ka dhan ah qorsho ay DF ka damacsan tahay Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Axmed Muuse Nuur Yare oo ah Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya wado qorsho ay ciidamo ugu daabuleyso qeybo kamid ah Gobolka Mudug.

Guddoomiye Axmed oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay inay mar hore ka war heleyn qorshaha dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan ugu daabuleyso Gobolka Mudug si ay ula wareegto guud ahaan.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Bisha Sedexaad ee sanadkaan ay Dowladda Soomaaliya dooneyso inay ciidamo geyso Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug si ay u qabsato guud ahaan Gobolka Mudug oo ay isla maamulaan Puntland iyo Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay Dowladda Soomaaliya qorshahaas ugu magac dartay Xoraynta Gobolka Mudug isla markaasna ay ujeedada tahay sidii loogala wareegi lahaa Maamulka Puntland qeybaha ay ka maamusho Gobolkaas.

Axmed ayaa sheegay in qorshaha ay wado Dowladda uusan shaqeyn doonin isla markaasna uu kusoo dhammaan doono fashil weyn sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jira qorshe ay ugu magac dartay Villa Somalia xoreynta gobolka Mudug laguna doonayo in Puntland looga xoreeyo gobolka, balse fashil buuxa ayuu ku dambeyn doonaa.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug.

Mar wax laga waydiiyey waxa ay Puntland uga jawaabeyso qorshaha Dowladda ee Gobolka Mudug ayuu sheegay inay uga jawaabi doonaan tallaabo Militari haddii ay Dowladda Soomaaliya ciidamo keento Gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa xusay in qorshahaan ay Villa Soomaaliya wado uu qeyb ka yahay barnaamij ay ku dooneyso inay kula wareegto deegaanada ay ka taliyaan maamul Goboleedyada, wuxuuna tusaale usoo qaatay ciidamada ay Dowladda Soomaaliya geysay Gobolka Gedo.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday inay awood ciidan u isticmaasho Maamul Goboleedyada dalka ka jiro si ay halkaas u geyso shakhsi ay iyada wadato oo ku shaqeenayo siyaasadeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this