Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahin: Gaari ciidan oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya lagula eegtay duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miino ayaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah, xilli uu marayey inta u dhexeysa isgoysyada Xoosh iyo Ex-control Afgooye.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamadaasi, kaas oo uu soo gaaray burbur xoogan.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa saddex askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen afar kale oo ka mid ah ciidankii saarnaa gaariga la qarxiyey.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay gaareen  meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo muddo kooban xiray halkaasi.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo laamaha ammaanka dowladda ay ka bixiyeen qaraxaas iyo khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxaan, iyada oo baahisay inay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiisay askartaasi.

Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah ka fuliya duleedka Muqdisho, iyaga oo beegsada ciidamada dowladda, kuwa AMISOM intaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this