Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo war ka soo saartay booqasho la sheegay inay Farmaajo iyo Abiy ku tegayaan Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed uu maamulkaas ku cadaadinayo in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya wada yimaadaan gudaha magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Saleeaan ayaa tilmaamay in xukuumadda ay iska diiday dalabkaasi oo uu mar hore u soo gudbiyey ra’iisul wasaare Abiy, balse uu mar labaad haatan ku soo celiyey codsigaasi.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu carabka ku dhuftay in aysan diidaneyn imaashiyaha Farmaajo, balse laga rabo inuu noqdo nin Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Annagu waxa aannu leenahay ha noo keenin laakiin haddii uu la yimaado dee dilimayno laakiin nin Soomaaliyeed oo Abiy, la socda ha ahaado” ayuu guddoomiyuhu.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ra’iisul wasaare Abiy uu qorsheynayo kulan 2-aad oo dhexmara madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, kuwaas oo todobaadkii hore ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Khamiistii ayey sidoo kale aheyd markii uu Farmaajo raalli-gelin ka siiyey dadka dega gobollada Waqooyi weerarkii ay dowladdii milatariga aheyd ku qaaday gobolladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this