Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay raalli-gelintii Farmaajo ee Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ayaa muuqaal uu soo duubay kaga hadlay tallaabadii raalli-gelinta aheyd oo uu dhowaan sameeyey madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ugu horreyn Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka madaxweyne Farmaajo, kuna faraxsan yahay inuu raalli-gelin siiyo reer Somaliland.

“Walaalkaa haddii ay candhuuftaadu gaarto waa inay gacantaadu gaartaa ayey dhahaan runtii marka kiiskaas aad iyo aad waan ku farax sanahay, meel wanaagsana waa dhacay” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lala soo daahay raalli-gelinta, islamarkaana ay habooneyd inay dhacdo markii la riday nidaamkii markaasi jiray.

“Waxa ay aheyd sida runta ahi in markiiba nimaadkaasi la riday warkaasna inuu dhaco”. ayuu markale yiri Sheekha.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu qaaday tallabo geesinimo leh, isaga oo Somaliland ay u heysatay inuu qaaday jidkii adeerkiis, sida uu hadalka u dhigay.

“Isaga hadda waxaa loo heystay beryahaan oo raggaasi u heysteen dariiqii adeerkii ayuu ku joogaa, marka hadane in isagu kiiskaas uu yiraahdu runtii aad ayey ugu haboon tahay”. ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Raalli-gelinta uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo aad loo boggaadiyey ayaa waxaa lagu soo aadiyey, xilli uu todobaadkii hore Addis Ababa kula soo kulamay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this