Deeq A. Posted February 16, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay agagaarka deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ahaa ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa K/ Galbeed oo ku socdaalayey halkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyey intaba. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyey in ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Koonfur Galbeed lagu dilay dagaalka, sidoo kalena la dhaawacay tiro kale. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, iyadoona ciidamada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda ay howlgallo cusub ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Baay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites