Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay agagaarka deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ahaa ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa K/ Galbeed oo ku socdaalayey halkaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyey in ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Koonfur Galbeed lagu dilay dagaalka, sidoo kalena la dhaawacay tiro kale.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, iyadoona ciidamada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda ay howlgallo cusub ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Baay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this