Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir muhiim ah oo u socdo DF iyo maamullada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray shir u dhexeeya Wasaaradda Hawlaha Guud DFS, Wasaaradaha Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka iyo Hay’adda UNOPS,kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagaga wada tashanayey mashruuca tayaynta Shaqaalaha Wasaaradaha Hawlaha Guud SSIWPP,Waxaana ka qaybgalay Madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul goboleedyada dalka, iyo Xubno kasocday UNOPS ee Qaramada midoobey ee dhinaca mashaariicda.

Inta uu socdo shirkan ayaa diiradda ;lagu sari doonaa sare u qaadista heerka aqooneed ee shaqaalaha wasaaradda Howlaha guud ee DFS iyo kuwa dowlad gobaleedyada,waxaana hadafka ugu weyn uu yahay in shaqaalaha ay noqdaan kuwo khibrad iyo aqoon durugsan u leh adeegyada ay qarankooda u qabanayaan.

Axmed Nur Sheekh Maxamed oo ah wasiirka Howlaha guud ee Koonfur Galbeed oo ku hadlay magic dowlad gobaleedyada ayaa ku ammaanay Madaxda wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya wadashaqeynta ay la leedahay wasaaradaha kale ee heer dowlad gobaleed.

Mudane Jamaal Xasan Cismaan wasiir kuxigeenka Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeedinayay furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in wasaaradaha Howlaha guud ee heer Federaal iyo heer Dowlada gobaleed ay wadashaqeyn buuxda ay ka dhexeyso,wuxuuna intaasi ku daray in shaqooyin badan ay si wada jir ah u soo qabteen,ayna ku guuleysteen.

Shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah waxaa ugu dambayn laga soosaari doonaa war murtiyeed ku saabsan ahmiyadda shirkan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this