Deeq A. Posted February 16, 2020 Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyey tallaabadii raalli gelinta aheyd oo uu qaaday madaxweynaha Soomaaliya. Xasan Daahir ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo aadna uu ugu faraxsan yahay garowshiyaha uu bixiyey madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa arrimaha Somaliland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lala soo daahday, islamarkaana ay muhiim u aheyd in mar hore la saxo khaladkii laga galay walaalaha Soomaaliyeed ee dega gobolada Waqooyi. Halkaan hoose ka dhageys codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/888.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites