Sign in to follow this  
Deeq A.

SHIINAHA: Dhimashada coronavirus oo gaartay 1665 ruux

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga qaran ee Caafimaadka dalka Shiinaha, ayaa maanta oo Axad ah shaaciyay, in tirada dadka dalkaasi ugu dhintay cudurka coronavirus ay hadda gaartay 1665 ruux.

Tirada dadka coronavirus ugu dhintay dalka Shiinaha, ayaa Sabtidii shalay maraysay 1,500 oo qof, balse guddiga ayaa maanta shaaciyay in tirada dhimashada ay ku korrotay 165 ruux oo horleh.

Guddiga ayaa sheegay, in gobolka Hubei uu noqday halka laga diiwaan-geliyay, dhimashada ugu badan ee soo korortay, taasi oo gaaraysa 139 qof oo horleh.

Sidoo kale, guddiga ayaa xaqiijiyay in 68, 500 oo bukaan ay hadda marayso tirada dadka uu soo ritay cudurkaas coronavirus guud ahaan waddanka Shiinaha.

PUNTLAND POST

The post SHIINAHA: Dhimashada coronavirus oo gaartay 1665 ruux appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this