Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada Qaran oo War Ka Soo Saaray Xaaladaha Gobalka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madasha xisbiyada qaran ee dalka ayaa maanta war ka soo saaray xaaladda aan cagaha badan ku taagneen ee gobalka Gedo, waxaana ayna baaq arrintaa ku wajahan u direen Madaxweynaha dowladd federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madasha oo ka koobnaa 5 qodob soona gaaray Goobjoog News ayaa lagu booriyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xukuumaddiisa  iney joojiyaan hurinta colaada iyo kala qeybinta bulshada ku dhaqan gobalka Gedo ee dowlad gobaleedka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa Madaxweynaha loogu baaqay in dowladda sugidda  amniga gobalka ay u   deyso  ciidamada amniga iyo daraawiishta Jubbaland dowladda federaalka ahna looga baahan yahay in ay  ku kaalmeyso sidii deegaannada ka maqan gacanta dowlad gooballeedka loo gaari lahaa.

Halkaan Ka Akhriso 

86331503_247489756242014_5814111938858188800_n.jpg?_nc_cat=101&_nc_ohc=G42umjmXiOgAX95jzJM&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=8af2a6d15d11cbfb80a226dc4741686d&oe=5ECF169F

Qoraalka ka soo baay madasha xisbiyada qaran ee dalka ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa ayadoo gobalka Gedo ay ka taagan tahay xaalad amni oo aan cago badan ku taagneyn iyo siyaasado is diidan oo ay sabab u tahay khilaafka  u dhaxeeyo dowladda federaalka ah iyo dowlad gobaleedka Jubbaland.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this