Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada Qaran oo shan qodob kasoo saartay xaaladda gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madasha xisbiyada qaran ayaa caawa war-saxaafadeed kasoo saartay xaladaha ka jira gobolka Gedo iyo ciidamada ay dhawaan geysay dowladda federaalka, iyagoo dowladda ku eedeeyey in markii laga soot ago ciidanka qaranka ay dadka reer Gedo u adeegsanayso ciidamo Itoobiyaan ah iyo gaadiidkii ay dowladda Qatar ku taageertay Soomaaliya.

Ugu horrayn Madasha ayaa qoraalka ay soo saareen waxay tacsi u direen  qoysaska ciidamadii labada dhinac ee ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay degmada Beled-xaawo. Iyagoo kuwii ku dhaawacmay Ilaahay uga baryey in uu  bogsiiyo.

“Madasha Xisbiyada Qaran waxay bilihii u danbeeyay si dhow ula socotay xaaladda murugsan iyo dhiillada colaadeed ee ka sii daraysa ee ka aloosan gobolka Gedo, taaso ka dhalatay ciidammo si gaar ah ay Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ugu daabushay gobolkaas, iyadoo kaashanaysa ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qayb ka ahayn ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM). Madashu waxay aad uga xuntahay in Dowladda Qadar agabkii ay ku taageertay ciidamada qalabka sida in lagu daadiyo dhiigga maatida aan waxba galabsan laguna dumiyo maamulkii ka jiray deegaanadaas” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka oo intaa ka dheeraa ayaa sidoo kale lagu yiri, “Madashu waxay ka xuntahay in ciidamo diyaarado lagu qaado, qarash badanna lagu bixiyo, laguna dhibaateeyo dhul ammaan ah, ayadoo inta badan deegaannada u dhaxeeya Gobolka Gedo iyo Banaadir ay haystaan Argagixisada Al-shabaab. Madashu waxay si adag uga soo horjeeddaa in Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Fahad Yaasiin uu burburiyay qaab dhismeedkii ciidamada qalabka sida ee Qaranka ee Dastuuriga ahaa, isagoo caado ka dhigtay inuu ciidamada u isticmaalo siyaasad gurracan oo ka duwan waajibaadkii loo igmaday”.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxa ay war-saxaafadeedkooda talo ugu soo jeediyeen madaxda dowladda federaalka, iyagoo tala dooda ku soo koobay shan qodob oo kala ah:

  1. In Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ay joojiyaan kala qaybinta iyo hurinta colaadaha ay ka wadaan Dowlad Goboleedka Jubbaland, gaar ahaan Gobolka Gedo.
  2. In Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ay dadaal ku bixiyaan inay ka xoreeyaan Argagixisada dhulka ay haystaan, kana waantoobaan in Ciidanka Qaranka loo isticmaalo dano gaar ah oo siyaasadeed.
  3. In Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ay u dayso sugidda amniga Ciidamada Daraawiishta ee Jubbaland, kana kaalmeeyso sidii nabaddiidka Dalka looga xorayn lahaa.
  4. Dawladdu waa in ay dhageysato cabashada shacabka deegaanka Gobolka Gedo lagana qaado xayiraadda sharci darrada ah ee duullimaadyada
  5. Waxaan uga digaynaa ciidamada Itoobiyaanka ah ee deegannadaas ku sugan in loo adeegsado khilaafka siyaasadeed ee halkaas ka jira, waana inay ka fogaadaan waxyeellada shacabka, ilaaliyaanna deris wanaagga.

“Ugu danbayn Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka gobolka Gedo waa inay u istaagaan in howlgallada siyaasadaysan ee Xukuumadda Federaalku ay ka waddo Gobolka Gedo aysan isu beddelin dagaal beeleedyo” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka caawa ka soo baxay madasha xisbiyada Qaran.

war.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this