Sign in to follow this  
Deeq A.

Ololaha canshuur qaadista G/Banaadir oo la daah-furay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xarunta gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay gadiid kala duwan oo qeyb ka noqon doono ololaha wacyigalinta bixinta camshuuraha iyo sidoo kale dabagalka la xisaabtanka muwaadiniinta iska dhaga tira iney bixiyaan canshuurta ku waajibtay.

Nidaamka qaadista canshuuraha kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa laga dhigay qaab casiri ah oo ka duwan qaababkii horey loo qaadijaray waxaana daah-furay ololahaani Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Agaasimaha canshuuraha dowlada hoose Xamar Ayaan Cabdi Maxamud ayaa faah faahisay ololahaani.

“Gaadiidkan waxey ka howlgali doonaan afarta qeyb oo ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho si ay wacyigaliyaan bulshada islamarkaana loo dardargaliyo qaadista Canshuuraha kala duwan ee daqliga”.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Ale (Ibraahim Dheere) waxa uu tilmaamay in ay la dagaalami doonaan Musuq-Maasuqa.

“Bixinta Canshuuraha waxey ka turjumeysaa sax ahaan shaha muwaadinimada waana waajib saaran qofkaste oo muwaadin ah, kamaamul ahaan waxaa naga go’an la dagaalanka Musuq-Maasuqa”.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay fududeeyaan bixinta Canshuuraha si loogu guuleysto hirgalinta mashaariicda ee adeegyada bulshada.

“Waxaan si xushmad kujirto ugu codsaneynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si dagan ku bixiyaan canshuurta ku waajibtay si aan dib iyaga ugu celino islamarkaana loogu fuliyo adeegyada aas aasiga ah ee bulshada, waan la xisaabtami doona cidkaste oo aan iska bixinin canshuurta ku waajibtay.

Image may contain: 9 people, people standing and outdoorImage may contain: text that says 'MAAMULKA GOBOLKA BENAADIR BANADIR REGIONALADMINISTRATION REGIONAL DOWLADDA HOOSE MUNICIPALITY OF MUQDISHU Waaxda Canshuuraha Dowladda Hoose ee Xamar AMBUL ANCE Wacyi Galinta Canshuuraha Guryaha Daaraha Iyo Dhulka Banaan Canshuurtu Bulshada ka qaad Bulshada ku celi'Image may contain: 7 people, people standing and suitImage may contain: car and outdoorImage may contain: 8 people, people standing and shoes

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this