Sign in to follow this  
Deeq A.

coronavirus oo dilay in ka badan 1,500 oo ruux

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Shiinaha iyo hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa maanta oo Sabtiya shaaciyay, in tirada guud ee dadka u geeriyooday coronavirus ay kor u dhaaftay 1,500 oo qof.

Mas’uuliyiinta magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha, ayaa dhankooda amar ku bixiyay, in dadka ka soo laabanaya  fasaxyada ee Beijing ku noqonaya, ay tagaan xarumaha karantiilka oo lagu hayn doono 14 cisho, si loo xakameeyo faafitaanka caabuqaasi.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegaysa in dad ka badan 66,000 oo qof ay  la xanuunsanayaan cudurkaas coronavirus, markiisii hore ka bilowday gobolka Hubei ee bartahamaha waddanka Shiinaha bishii December 2019.

Coronavirus ayaa markii dambe ku faafay, gobollada kale ee dalkaasi iyo qaar kamid ah waddamada dunida, oo ay ku jiraan dalalka Reer Galbeedka.

PUNTLAND POST

The post coronavirus oo dilay in ka badan 1,500 oo ruux appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this