Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhismo sharci darro ah oo laga dhex dhisayo Stadium Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muuqaallo la soo duubay dhowaan ayaa muujinaya shaqaale weli dhismo sharci darro ah ka wada garoonka kubada cagta ee Stadium Muqdisho.

Shaqaalaha garoonka dhisaya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan saxaafadda, balse waxaa muuqata in cid dhisaneysa ay ku xiran tahay DFS, maadaama ay dhowaan dhismahAan ka digtay wasiirka ciyaasarada Khadiijo Maxamed Diiriye oo sheegtay in la joojiyey.

Dhinaca kale qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay wax aan la aqbali karin, iyaga oo ugu baaqay dowladda inay ka hortagto dhismahaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/CCC.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this