Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Iyo Ururka Taliban Oo Gaadhay Heshiis Xabbad-Joojin Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Doha)-Mareykanka ayaa heshiis xabbad-joojin hal toddobaad ah la gaadhay ururka Taliban, taasi oo waddada u xaadheysa in ciidanka Mareykanka ay ka baxaan dalka Afghanistan.

b28d8504-b489-46fe-8545-dcdb1eb51cf5_w10

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyey heshiiskan toddobada maalin ah ee dhigaya in kooxda Taliban ay yarayso rabshadaha.

Sarkaalka ayaa sheegay in heshiiskan oo dhawaan dhaqan-geli doona uu khuseeyo guud ahaan dalka Afghanistan oo ay ku jiraan ciidamada dowlda dalkaasi.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan ay kor kala socon doonaan dhaqangalka heshiiska si loo hubiyo in Taliban ay heshiiska jebisay ama ixtiraamtay.

Haddii uu heshiiskan toddobada maalin dhaqan galo, waxaa ay wararku sheegayaan in Mareykanka iyo Taliban ay u gudbi doonaan wajiga labaad ee wadahaddaladda nabadda Afghanistan.

Mareykanka ayaa waxaa dalka Afghanistan ka jooga ciidan gaaraya 13 kun oo askari, waxaana heshiiskaan uu imanayaa xilli muddo kooban ay ka harsan tahay 20-sana-guurada kasoo wareegtay markii ay ciidanka NATO ee uu Mareykanku hogaaminayo ku duuleen dalka Afghanistan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this