Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI Oo Si Kulul Uga Hadlay Kulankii Farmaajo Iyo Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa xukumadda madaxweyne Biixi ugu baaqay in ay faahfaahin ka bixiso kulankii madaxweynuhu magaalada Addis Ababa kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in bulshada Somaliland, goleyaasha Qaranka iyo xisbiyadu xaq u leeyihiin in looga warramo ajandaha madaxweynuhu ula tagay madaxweynaha Soomaaliya, arrimaha lagaga wada hadlay kulanka, wixii ka soo baxay iyo halka hadda la joogo meesha looga dhaqaaqayo intaba.

Xoghayuhu wuxuu ku eedeeyay xukumadda iyo wasiirka arrimaha dibadda in ay kulankaasi uga warrameen si aan u qalmayn umadda Somaliland, islamarkaana aanay wax faahfaahin ah ka bixin waxa uga qabsoomay socdaalka Itoobiya.

“Madaxweynuhu maalintii dhawayd ee uu Addis Ababa tagay waxa uu la soo kulmay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, markii uu soo noqday sidii uu wasiirka arrimaha dibaddu dadka ugu warramay si dadku gayo maaha. Shacabka Somaliland waxay ka gayaan maaha in wasiirkooda arrimaha dibaddu yidhaahdo ‘xafiiska ra’isal wasaaraha oo la sii macasalaamaynayay ayuun baanu ku kulanay’ Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Ethiopia maaha basaskii xaafadaha Hargeysa u kala baxaayay ee dadku si aan ku talagal ahayn ay ugu kulmaayeen, xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya waa xafiis nidaam iyo hab maamuus leh(Protocol) cid aan loogu talo gelin in ay is arkaana aanay is arag, qol maaha cid kasta oo soo gasha isku arkayso, markaa waxay muujinaysa in wax ay qarinayaan oo dadayaan jiro ama waxay yidhaahdaan garan la yihiin oo ay qorshe la’aan tahay, waa laga sugaya in ay arrintaasi sharraxaad ka bixiyaan, waa laga sugaya in arrintaasi daahfurnaan noqoto oo ay shacabka Somaliland uga warramaan kulankaas iyo wixii uu ahaa, wixii lagaga wada hadlay iyo wixii ka soo baxay,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha xisbiga WADDANI.

Xoghayaha Xisbiga WADDANI waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay raalli gelinta madaxweynaha Soomaaliya u soo diray Somaliland “Hadalkii (farmaajo) waan dhegaysanay runtii wixii Somaliland ka dhacay wuxuu ahaa dambi dagaal iyo arrin aad iyo aad u fool xun oo dawladdii kalitaliska ahayd gaysatay. Runtii waxaanu u aragna tallaabo wanaagsan in ay bilaabayaan madaxda Soomaaliya in ay arrintaasi qiraal ka keenaan laakiin arrimaha qaar marka laga hadlayo waxay leeyihiin eray bixino caalami ah oo lagu yaqaanno, waxaan rajaynaya in ay wada hadallada qayb ka noqoto raalli gelinta Somaliland la siinaya eray bixin noocee ah bay yeelanaysa laakiin, in madaxweynaha Soomaaliya sheego in uu ka xun yahay waa tallaabadii ugu horaysay oo wanaagsan wixii intaas ka dambeeyana waxaan filayna in wada hadallada lagu lafo guri doono sidii loogu samayn lahaa eray bixinta caalamiga ah ee ay leedahay wixii halkan(Somaliland) ka dhacay,” Sidaas ayuu yidhi xoghayaha xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi.

Halkan hoose ka DAAWO Muuqal dhammaystiran

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this