Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab Xooggan Oo Ka Kacay Keyn Ku Taalla Dulleedka Magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Wararka laga helayo Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in Dab xoog leh uu ka kacay dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaaladaasi.

DAB-SUUQ-NBI.jpg

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dabkan oo aad u xooggan ku sii fidayao deegaano horleh sido kalana ay socoto dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu damiyo dabkaas.

Dhinaca kalana dadka ku nool duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa warbaahinta u sheegay in uu bilaamay barakac si aanu u saamayn dabkaas ka kacay Dooxada magaalada.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa sababay in uu kaco dabkaan hase’ahaatee waxaa socda dadaalo kala duwan oo lagu daminayo dabka ka kacay Dooxda Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this