Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Masar oo xaqiijisay Kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Masar ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee cudurka ‘coronavirus’ ee dilaaga ah laga helay dalkeeda.

Afhayeenka wasaarada caafimaadka Masar Khaled Mugahed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in qofka laga helay Cudurka uu yahay nin ajnabi ah oo aan muujin wax astaamo halis ah.

Bayaanka wasaarada ayaa lagu sheegay in qofkaasi la dhigay balse ma aysan cayimin qofka dhalashadiisa ama halka uu ka soo galay.

Dhinaca kale dowladda Shiinaha ayaa  amartay in qofkasta ee ku soo laabanaya caasimadda dalkaas is karantiilo muddo 14-maalmood ah amaba uu wajihi doono ciqaab.

Arrintaas ayaa ah tallaabadii ugu dambaysay ee lagu xakamaynayo caabuqa cusub ee dilaaga ah ee coronavirus sida ay ku warrantay  warbaahinta dowladda

In ka badan 1,500 oo qof ayaa u dhimatay caabuqaasi laga soo bilaabo tan iyo markii uu ka dillaacay  magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Masar oo xaqiijisay Kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this