Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo shaaciyay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Militariga Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ayaa maanta oo Sabtiya  sheegtay in ay khaarajiyeen sarkaal sare oo ka tirsan Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraa ka soo baxay Al-shabaab oo lagu daabacay warbaahinta taageerta ururkaas ayay ku sheegteen in ay hawlgal qorshaysan ku dileen Madaxii SAADKA Guutada lixaad ee Militariga Soomaaliya..

Al-shabaab waxay sheegtay in Gaashaanle dhexe Maxamed Cabdulle  oo ahaa Madaxii SAADKA Guutada lixaad lagu dilay hawlgal qorshaysan oo dagaal-yahannadoodu ka fuliyeen Xaafadda Haanta dheer ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Marka laga reebo sheegashada Al-shabaab ma jirto cid ka madax-bannaan oo warkaas xaqiijsay. Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama jawaabin sheegashada la xiriirta dilka sarkaalkaasi.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo shaaciyay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Militariga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this