Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan ka geyteen gudaha magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan, loona geystay wiil dhalinyaro ahaa ayaa ka dhacay buundada magaaladaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Raage, iyadoona raggii toogtay ay goobta isaga baxsadeen

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay howlgallo baaritaano ah sameeyeen dilka kadib, kuwaas oo lagu baadiyey kooxaha ka dambeeyey.

Illaa iyo haddase ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi, welina wax war ah kama soo bixin laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this