Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegatay inay sarkaal sare ku dishay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil ka dhacay xaafadda Haanta-Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir

Warka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dilkaasi oo ay fuliyeen xoogag hubeysan loo geystay Gaashaanle Dhexe Maxemed Cabdulle oo ka tirsanaa dowladda.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay ninka la toogtay uu ahaa madaxii zaadka guutada 6-aad ee ciidanka dowladda, sida ay hadalka u dhigeen.

“Mujaahidiinta ayaa Muqdisho ku dilay madaxii zaadka guutada 6-aad ee ciidamada murtadiinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay kooxda Al Shabaab.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka degmada Dayniile oo ku aadan dilkaasi.

Inta badan dagaalyahannada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dilal qorsheysan iyo qaraxyo u badan nooca miinada ka fuliya magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii la soo dhaafay sidoo kale wuxuu amniga gudaha caasimada ahaa mid degan waxaana howlgallo ka waday ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this