Sign in to follow this  
Deeq A.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Federaalka Soomaaliya oo tababar ku soo qaatay Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Gaashaandiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo Taliska ciidanka Militariga oo ay wehliyaan taliska xarunta tababarada ciidamada ee Turki-Som ayaa gelinkii dambe ee shalay garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde ku soo dhaweeyay cutubyo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya oo tababar gaar ah ku soo qaatay dalka Turkiga.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Militariga dowladda Federaalka Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise oo goobta kula hadlay ciidamadan ayaa sheegay in door weyn ay ka qaadan doonaan dadaalada Dowladu ay dooneyso in ay ku xasiliso dalka isagoo intaasi ku daray in ciidanka Militariga Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin dagaalka Al-shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga  Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa isna sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay dhismaha ciidanka islamarkaana ay xuquuqdooda heli doonaan.

  • 9-5.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-12.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-16.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-16.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-21.jpg?w=1000&ssl=1
  • 1-28.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Cutubyo ka tirsan Ciidamada Federaalka Soomaaliya oo tababar ku soo qaatay Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this