Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka Dhuusamareeb oo si weyn loo adkeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay si aad ah loo adkeeyey ammaanka guud ee magaaladaasi.

Ciidamo faran oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la soo dhoobay xaafadaha kala duwan ee magaalada Dhuusabareeb oo xarun ah maamulka Galmudug.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay xireen dhaq dhaqaaqa waddooyin dhowr ah oo ku yaalla degmadaasi.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa nabad gelyada, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada.

Khamiistii ayey aheyd markii qarax ay ku dhaawacmeen illaa saddex qof uu ka dhacay maqaaxi ku taalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galgaduud.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this