Sign in to follow this  
Deeq A.

Danjire Yamamoto oo hal mid ku ammaanay Axmed Madoobe kadib kulankoodii

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee Africom ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay socdaal ay dhowaan magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ku tageen taliye Jeneral Stephen Townsend iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Townsend iyo Yamamoto ay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kala hadleen dadaallada gobolka iyo muhiimadda ay leedahay sii wadista beegsashada kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan ka ammaanay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe dadaallada wadajirka ah ee ciidamada ammaanka ee Jubaland, Danab, iyo Xoogga Dalka ee Al-Shabaab ku weeraray dooxada webiga Juba,” ayuu yiri Yamamoto.

“Howl-galladaas waxay tusaale u yihiin wada-shaqeynta wax ku-oolka ah ee  dolwadda dhexe iyo ciidamo goboleedyada ee dowladda Mareykanka ay raadineyso inay ku taageerto Soomaaliya.”

Yamamoto ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay si wax ku ool ah uga shaqeeyaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen “cadowgooda guud ee Al-Shabaab.”

Africom ayaa sheegtay in safarka Townsend uu muhiim u yahay xoojinta xiriirka militari ee qotada dheer ee Mareykanka uu la leeyahay saaxiibadiisa Bariga Africa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this