Sign in to follow this  
Deeq A.

Laascaanood: Dab xooggan oo ka kacay Dooxada Ooda-gooye

Recommended Posts

Deeq A.   
Dooxada-Ooda-Gooye.jpg?w=1000&ssl=1Sawirka dooxada gubanaysa

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ku warramaya in uu dab xooggan ka kacay dooxada Ooda-Gooye ee duleedka Laascaanood.

Dabka oo aan weli la xaqiijiyay waxa dhaliyay ayaa goor dhoweyd ka kacay dooxadaasi dhul daaqsimeedka ku wanaagsan oo kamid ah dooxooyinka waaweyn ee gobolka Sool.

Dadka ku sugan magaalada Laascaanood ayaa soo sheegaya in dabka halkaasi ka kacay uu si xawliya ku socdo islamarkaana ay adagtahay in la demiyo maadaama uu jihooyin kala duwan ku faafay.

Gudaha Laascaanood waxaa hadda ka socda gurmad lagu doonayo in lagu demiyo dabka kaasi oo ay hoggaaminayso dowladda hoose ee degmadaasi iyo ganactada magaalada.

PUNTLAND POST

The post Laascaanood: Dab xooggan oo ka kacay Dooxada Ooda-gooye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this