Sign in to follow this  
Deeq A.

Macallin Maxamuud oo ku dhowaaqay in Ahlu-Sunna ay hubkooda lasoo baxayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca Macallin Maxamuud ayaa ku dhowaaqay in Ahlu-Sunna ay lasoo baxayaan hubkooda, si ay uga hortagaan “fasaadka.”

Macallin Maxamuud oo taageerayaasha kooxda Ahlu-Sunna kula hadlayey magaalada Dhuusomareeb, ayaa odayaal shalay laga celiyey inay aadaan Guriceel u sheegay “in haddii hubkooda ay wadan lahaayeen aysan jiri lahayn cid is-hortaagta.”

“Haddii umadda bahal noqoto, bahalnimada waxaa la isaga celiyaa qalab, ee hadal ma qaato, wax munaasab ahna ma qaato,” ayuu yiri Macallin Maxamuud.

“Caawa laga billaabo waxana hub leenahay waan raadsaneynaa, waan soo qaadaneynaa, waana wadanayenaa, dowlad ku dhibi meyno, qof muslim ahna ku dhibi meyno, balse fasaadka waan isaga dhicineynaa,” ayuu yiri.

Macallin Maxamuud oo sidoo kale soo hadal qaaday qarax shalay ka dhacay magaalada Dhuusomareeb, ayaa sheegay in magaalada “loo gacan geliyey” kooxda Al-Shabaab.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo magaalada ay horey uga taagneyd xiisad u dhaxeysa dowladda iyo Ahlu-Sunna.

Dhuusomareeb ayaa waxaa ku wada sugan labada madaxweyne, oo kala ah Sheekh Maxamed Shaakir oo garabka Ahlu-Sunna ah, iyo Axmed Qoor Qoor oo garabka dowladda ah.

Hoos ka dhageyso codka Macallin Maxamuud

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/Codka-Macalin-Maxamuud.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this