Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo bogaadisay warbixintii IMF iyo Bankiga Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa si weyn usoo dhoweeyay warbixin ay soo saareen hay’adda Lacagta Aduunka IMF iyo Bankiga Adduunka, iyagoo sheegay in ay Soomaaliya mudan tahay in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, kadib kulan ay yeehseen Labadii Maalin la soo dhaafay.

Mudane; Beyle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in guusha deyn cafinta Dalka iyo dib habeynta dhaqaalaha ay ku timid dedaallo Wadajir ah.

Wuxuu sheegay Wasiirku in ay wada hadallo badan ku qaadatay ka mira dhalinta deyn cafinta, shuruudaha ku xirnaana ay mid waliba sal u ahayd habaynta dhaqaalaha Dalka.

“Sadax Sano ee la soo dhaafay ayuu socday wadahadalka deynta cafinta Soomalaiya oo soo maray Afar Weji, mid walbana ay ku xirnaayeen shuruudo muhiimaddoodu ahayd dib u habeynta hay’adaha dhaqaalaha Dalka” ayuu yiri Wasiirku.

Warka kasoo baxay madaxda hay’ada Lacagta Adduunka IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa ah guul Taariiki ah oo ay ku tallaabsatay Dowladda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this