Deeq A. Posted February 14, 2020 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku eedeeyay Kenya in ay faragelin ku hayso waddanka. Farmaajo oo u waramay mid kamid ah mowjadaha leyska arko ee Soomaalida ayaa ku adkeystay in aysan u dulqaadan doonin arrintaas. Isagoo hadalkiisa sii wata, hogaamiyaha dalka ayaa sheegay in ujeedada ka dambeysa faragelinta Kenya ay daaran tahay arrinta badda. Qaar kamid ah maamul goboleedyadda dalka ayuu caddeeyay in ay si hoose ula shaqeeyaan dowlado shisheeye. Dhaqankaas siyaasadeed ayuu ku nuux-nuux saday in uu yahay wax aysan u dulqaadan doonin ayna wax ka bedeli doonan. Ugu dambeyntii, laamaha garsoorka ee waddanka ayuu faray in ay ka shaqeeyaan sidii cadaaladda loogu simi lahaa dhamaan muwaadiniinta. View the full article Share this post Link to post Share on other sites